Uurkubbaale

by Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye'

'Cawdu billoo balooy baydh.'
'Bismillaahi "Yaasiin"'.
Botorkiyo ciyaartoo
Sidaa lagu bilaaboo,
Anna biito-biitiyo
Bille-jire ku dheelaan
Beri hore garaadsaday.

Dadka waxan ka bawsaday:
'Dhool bari ka hirey baa
Dhaanka loo bariiyaa'.
Gabaygana Burhaanoow
Waxa aniga lay baray
Inu laba u kala baxo
Beeshana u kala yahay:

Waxay Biliso igu tidhi:
'Hadday maanso beer tahay
Run baa lagu biyeeyaa.
Bilicsiga dareenkaa
Lagu baalaleeyaa;
Xaq baa lagu bac-rimiyaa.
Baaqbaaqa noloshiyo
Biyo-dhiijinteediyo
Xilligay ku biqishaa.

'Midho waxay u bixisaa
Habka loo barbaarshiyo
Barta lagu abqaalaa.
Sida loogu baahdaa
Loo buushe-bixiyaa;
Ama loo bislaystaa.

'Waxa lagu bardaanshaa
Baqoolkiyo geeddiga
Fac kastaa intuu bogo.
Bullashada dagaalkana
Bunduqay tilmaantaa.

'Waa buun wax lagu hago;
Boodaanta yeedhmada
Bigil ereygu leeyahay.
Caws baar leh weeyaan;
Lana baxay sabool-diid
Soddon laguma baayaco.
Boqor laguma caabudo.
Biidhi-qaatennimiyo
Baqas waa ka xaaraan.

'Waana biime liidda ah,
Boqnihiisa lama xidho.
Nin baqdaa ma halabsado;
Bayd-gaabku kuma galo;
Beentana wax kuma laha.
Waa Bilan ma-geyno ah;
Bog-dooxeedu waa sino.'

* * *

'Waxay bilic wax dheer tahay;
Iyadoon bariidada
Ballankeedi ka hor dhicin,
Kolkay bocorta maansado,
Adoo baalku kaa qoyey
Xadantana u baahnaa,
Sidii baalalleey iyo
Balanbaallis qalimo leh,
Ooy ubax baraarugay
Isku waa-bariisteen.

'Bogga kuu salaaxdee
Burcad kuugu duugtee,
Bu'da leebka kugu mudan
Baydari-abbaartee,
Bulxankeedu laba-dhaca
Sida uur-ku-baalaha,
Boogahaaga hoosiyo
Bayrtaada qoomee.

'Kolba baaq xiloodin ah
Barta aad u nogoshahay
Intuu baac u sii dego,
Tixda miino-baadhkii
Fiix kugu biskootiyo
Dhul bacdii ku taal iyo,
Ku banayso meel aan
Beryahaaba gacal dayin.

'Ee baahi-laawuhu
Adigoo basiiro leh
Intuu boodhka kaa tumo,
Xiisaha basaasiyo
Beer-qaado laabtee,
Tuduc wali gun iyo baar
Meel baas ku taabtee,
Intuu baaxad le’eg yahay
Isagoo banbaane ah
Badhtankaaga ka sanqadho.

'Ee kugu ballaadhee
Markii bayd la sheegaba,
Sidii baal qarsoodi ah
La bac dhabay xogtaadii,
Hadba baallo-daymada
Faraq-bood ka qaaddee.'

Maansada ba’leeyda ah
Ee baadi-soocda leh,
Bog kastoo la soo rogo
Sir aad bixisay mooddee,
Nafta oo baraad li’i:
Kolba 'baga!' tidhaahdiyo,
'Bishmaha Eebbe kuma jaro.
Ninka yidhi run badanaa!
Ma afkaygu kala baxay?'

The literal translation of this poem was made by Martin Orwin

The final translated version of the poem is by W N Herbert

Comments

  1. May 19th, 2011 at 8:27 pm

    omar says:

    I fullly surprised, how our poems is tasted in every language, and also how are attractive entering the senses of the human, am requesting the translater and 'gaariye' also to translate more of our poems to understand the paople those  don't speak somali language how more wisdom is inside of our literature.. Thank you all.

  2. December 19th, 2008 at 6:22 pm

    Pascale Petit says:

    I enjoyed the texture and robustness of this poem in English – Bill seems ideally suited to translate it. I love 'the rain will trek to us' and the idea of a poem as a farm and a large camel bell, then the way it expands to having a blast-range, giving so many surprises to the reader.