Fad Galbeed

by Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye'

Gabbal-dhaca cadceed-yahay
U sii faano-guratee
Casar gaaban liiqii
Godka weeraraysaa!
Go'e fuley miyaad tahay?
Waa maxay garmaamadu?

Ma googooska sagalkiyo
Gamasyada shucaacaa
Gaade kaa horreeyiyo
Gurigaad ku hoyan layd
War ku gubay ka soo direy?

Mise gabadhan dhoolkiyo
Gu'goo shaalka xaytiyo
Fad galbeed la moodaa
Kolkaad gelin is-dhugateen
Guluubkaagii shiikhoo
Dib-u guradku waa baqe?

Mise ganac-jabkaagiyo
Waxaad galabta mudataad
Intay goori goor tahay
Dayax soo lug-gu'i laa
Sii war-geli is-leedahay?

Gedgeddoonka hirarkee
Iyagoo garaaro leh
Gaatin-socodka laafyaha
Xarragada u gaarka ah
Goonyahaaga tiiciyo
Gaardiga daruuraha
Kugu gaaf-wareegee
Gumucaad ridaysiyo
Goolli-baadh fallaadhaha
Shafka kaga garaacdee
Isu rogay guduudkee

Dhiiggooda gobo'liyo
Giirgiirka caadka leh
Ku sibbaaqday guudkiyo
Gara-saar-dabtoodii
Maxaa maanta gaasirey?
Miyay kugu giriifeen?

Mise waxay ka giigeen
Gobaad haybaddeediyo
Gantaalaha jacaylkiyo
Kalgacaylka beereey
Indhaheedu ganayaan?

Afartaa siddiri-gam
Waxaan gocanayaa weli

Tiiyoo gareyskiyo
Marta debec u gunuddoo
Guranaysa hoobaan
Oo aan geyaankeed
Geesaha ka filanayn
Dabayshii gadoodee
Uurkayga garatee
Gaadmada ku qaaddee
Gosha iyo horaadkiyo
Gaaddada u faydiyo
Garba-duubka maraday
Durba "geb" isku siisiyo
Gabbashada xishoodka ah
Gorodday lulaysiyo
Ugubnimo-gandoodkii.

The literal translation of this poem was made by Martin Orwin and Maxamed Xasan 'Alto'

The final translated version of the poem is by David Harsent

Comments

  1. April 4th, 2011 at 12:04 pm

    Harun says:

    Great and inspiring poem.

  2. August 30th, 2010 at 11:36 am

    Tony says:

    Nice stuff, Gaariye is a legendary african poet. I think he should be nominated for a literary prize

  3. August 3rd, 2009 at 9:50 am

    ahmed yusuf says:

    Awe inspiring

  4. January 31st, 2009 at 10:48 am

    jack says:

    its a good one

  5. January 21st, 2009 at 7:26 am

    cc says:

    looking good, great poem. 

  6. December 11th, 2008 at 5:00 am

    abdulqadir says:

    all i can do is wonder,it's a wonderful poem,it has left so many images in my mind in a very short time.( as a somali nomad i have seen all those images, in wandering through the forest but i have not seen the woman).thanks for translating