Madax Goodir
by Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye'
Mar aan gaban ahaa beri
Galab aan adoogay
Geed uu fadhiyi jirey
Sheeko kooban kaga guray,
Wuxuu yidhi: "guyaal hore
Boqor geesalaa jirey
Oo goostay weligii
Inaan iinta lagu garan.
Fule waa geddiisoo
Wuxuu goorba hubiyoo
Gedfo oo cimaamado,
Nin gaaraa sirtii helay
Godob buuse taransaday
Garashadu u sabab tahay
Qof gafaana laga dhigay,
Hadduu gaabsan waayana
Inuu gowrac jiro maqal.
Hadba giirka loo kici
Goldalooladuu helay
Inay gudubto loo diid.
Isna waa gartiisee
Liqi waa gasiinkii
War guntamay la foolqaad
Hadba gaadhka meel dhigay
Dadka uurka googo'ay
Isna garay ka wada qari,
Kuna oloshey gogoshii."
"Goobyaalka layliga
Kolkay gama' is waayeen
Gelin dhexe rugtiisiyo
Gurigii ka soo bood,
Gudcur beegsey duurkiyo
Gelliyada dugaagga leh
Mugdigii galaydhkiyo
Garanuugta kala didi,
Gocoshiyo xasuus iyo
Kalgacayl sabooleed
Gaashaan ka sii dhigay."
"Wuxuu gebidhacleeyaba
Kolkii waagu galac yidhi
Geed hoostii faadhfaadh
Sidii bahal god dheer qoday,
Dabadeed gafuurkiyo
Gadhka ciidda saaryoo
La faq goofkii keligii
Dulucdiina gaadhsii,
‘Inuu boqorka Goojaa
Madax goodir leeyahay'."
"Hadda iga ma goyside
Waxaad iga guraysaa,
Sheeko beri la ii galay.
Geeskii warkiisii
Kii cabudhay kolkii ganay
Garbihiisa laga duul
Gebigii fudayd noqoy
Goobtiina aasyoo
Ka hurgufay go'iisii
Galbay oo ka sii socoy."
"Ka gadaalna meeshii
Laye ‘goortii roob helay,
Geesaa ka soo baxay.'"
The literal translation of this poem was made by Martin Orwin and Maxamed Xasan 'Alto'
The final translated version of the poem is by David Harsent
© Poetry Translation Centre 2004-2012

Comments
No comments have been made on this poem yet! Why dont you start us off?