Poems

Cajebey

Cajebey cajiibeey,
Cawo iyo ayaaneey,
Caqligaad xadaysaa,
Caku! barashadaadii,
Iyo caabuqaagee,
Sida faras cag fududoo,
Cadda-horor yaqaannoo,
Gulufkiyo colaadaha,
Ninka lihi cad-goostaa,
Raggu kuu cugtamayaa;
Anna caashaqaagaan,
Hadba weel u culayaa,
Cimri-dherer hadhkaagaan,
Riyo kula caweeyaa.
 
Dhulka oo cagaaroo,
Cosobkii dul-saarraa,
Isagaan car-jabin weli,
Cabbanaan daraaddeed,
Ciidda hoose raantiyo,
Kula ciiray fooddoon,
Cagta meel la saaroo,
La cuskado lahaynoo,
Calcalyada xareeddii,
Halka godan cuslaysiyo;
Fiid-cawl horraantii,
Cirka oo daruuruhu,
Midab wada cillaaniyo,
Ku dhigeen canjiidaha,
Xilli ay cadceeddii,
Dhar cashmiira xidhan tahay,
Sagal caasha saaraad,
La wadaagtey caanoo,
Haddaan caawo kale jirin,
Cidi kaama garateen!
 
Geed cal iyo buur dheer,
Carro-hodan ku yaalloo,
Cokanoo irmaanoo,
Dhirta kale ka caynoo,
Cimilada agtiisiyo,
Rugtu qurux ku caan tahay;
 
Dusha sare caleentii,
Laamaha is-celisoo,
Hoobaan casuus lihi,
Cartamayso dhinacyada,
Ubaxuna tin iyo cidhib,
Kaga dhigay cabbaadhyada;
Shimbiraha ka ciyayaa,
Intay heeso curiyeen,
Isku camal wareereen,
Dabadeeto carashada,
Markii laysku cayn go’ay,
Isu ciidan doonteen;
 
Halcabbaara goortay,
Isu calan-waleeyeen,
Cadho kala maqnaayeen,
Cadcaadiigsi geedkii,
Ciddiyaha ku qariyeen,
Codka luuqda heestiyo,
Carrabkoodu kala tegay,
Carcaraha is daba maray,
Cudur jirey ku baaba’ay;
 
Dhallin caana diiddoo,
Guryihii ka caagtiyo,
Cadraddiyo barbaartii,
Sida goob ciyaareed,
Ugu soo carraabeen,
Calaf waa halkiisee,
Hadallada cawayskaas,
Ku calmaday u badan tahay!
 
Carshigaa nasahan baad,
Biyo wada cabteenoo,
Haddaan lay cadaabayn,
Rabbi ii cadhoonayn,
Dadku inuu ku caabudo,
Madowgiyo caddaankuba,
Ku caleemo saaraan,
Sow kuma canaanteen!