Poems

Geeridii Ina Boqor

‘Xaye cala salaa’
‘Xaye calal falaax’
Xilli loo addimay
Ma xusuusan karo;
Xilna waa jiraa
Waana xaal-adduun;
Xiddigihi cirkana
Xalaa laygu yidhi:
“Xinjireey liqeen”.
 
Dhulku wuu xarkagay
Sidii xuuko geel
Waanu xiiran yahay.
Xooluhu dhammaan
Waa xaaluf-daaq.
 
Xaggu waa qaniin
Xaggu lama-degaan;
Xidhku waa saliid,
Daad-xoor dab-liyo
Xadhig-lama-sitaan
Ku dul xeeran yiin.
 
Xaggu waa bacaad
Xanfar iyo dabayl;
Malaa waa xagaa.
 
Xaggu waa masniyo
Fooq iyo xaraar
Isha xiijiyoo;
Demesh iyo xariir
Ku xiddaysanoo
Cirka soo xansada.
Oo dad loo xil-qabo
Xamastoodu taal.
 
Togag baa dhex xula;
Biyii Xaramka iyo
Wiski xooriyaa
Dhex xumbaynayaan.
 
Xaggu waa dar-xumo;
Xaawaleey carruur
Ku xansheeran oo,
Xiiq iyo harraad
Xuurteeysan iyo
Xammaal iyo wastaad.
 
Afartaasi xidhan.
 
Xaggan kalena eeg:
Gabadheenna Xiis
Waa xabag-barsheed;
Waa xero-u-dhalan
Xulad geenyo ugub.
Oon xiito guluf
Dirir iyo xabbaadh
Loo sudhin xakame.
 
Waa xuural-cayn;
Iyo Xaaliyeey
Dayax xoosh ahoo
Xalay gaadh ahaa,
Saakana xarrago
Xil-wareejintii,
Xuubkii cirkiyo
Daahyadi xidhnaa
Kor u xaydayoo;
 
Sagal xaradhyo lihi
Qorrax xiiso wado,
Xaraaraha bulka leh
Ku xiddeeyeyoo;
 
Xod-xodtooy iyana
Xaradhaamadiyo
Hab-xiloodintii
Xadantootayoo;
 
Xummad iyo kulayl
Naf-xaraare baas,
Xaam-xaamadkii
Xayn furatay oo
Xusul joogga le’eg.
Xaashaa kallaa!
Xubno-jeedalleey
Haddii aan xistiyey
“Xaal qaado” dhaha.
 
* * *
 
Gabadheenna Xiis
Xubin bay ahayd
Xuddun webi ku taal;
Oo xidh oodan iyo
Xakab loo dugsiyo;
Oon xagaaga arag
Dhirta xaalufshiyo
Xanaf iyo kulayl.
 
Mar uun bay ‘xaf ’ tidhi;
Mar uun bay Xorriyo
Ka kufriday xumii;
Laye Xaawo hee!
Xadhka-gooysayaa;
Xadki jabisayaa.
 
Is-xabaal wax badan
Godka uu xabkiyo
Xinjiraha ku cuno,
Huwin jirey xariir
Ka xayuubisaa;
Xin u qaawisaa;
Ceebaha xilka leh
Xabbad-qaaddayaa.
 
Geedkii xaskiyo
Xuladada wax guba
Xaabuu u yahay
Loogu xeeban jirey,
Inu xabag-dhunkaal
Xordan yahay dadkii
U xaqiijisaa.
 
Xubbi iyo kalgacal
Laab xuunsho galay
La xariidisaa;
Dareenkeeda xalan
Iyadoon xidh-xidhin,
Hanadkii xasladay
Xiiseeysayaa;
Xasil diiddayaa.
 
Xusbaddana ma gelin
Inay xilo nin tahay
Qasab loogu xidhay;
Xaaleeyna-mayn
Xaafaddeey ka timi,
Iyo Xaaliyeey
Xeerkii ka jirey.
 
* * *
 
Waxay xawlisaba
Xanti durugtayaa;
Xogsigii horeba
Xigtadii Gobaad,
Dir-xumaan-ku-nool
Ka xanaaqdayaa;
Baha-xaydho-weyn
Xayraantayaa.
 
Gabadhii Xaddiyo
Caashaqa ku xidhay
“Laan-gaabka xune
Xagga sare ahayn,
Xulashada gurracan
Ee sumal-xadka ah”
Ku xujoowdayaa;
Xabsi loo diryaa.
 
Iyadoon Xorriyo
Aan cidi xukumin
Qalbigii xallaa,
Xaramkii cishqiga
Xadradoow ahaa,
Taalladi xubbiga
Xabbad lagu furyaa.
 
Laye Xaadsan iyo
Xuurkeey jeclayd
Loogu xiiryeyaa;
La xabaalyeyaa.
 
Halna waa xusuus
Sheekada ku xidho:
Meeshu waa Xijaas
Xaruntii waxyiga
Halka loo xaj tago,
Ee Xabiibalaah
Xudduntiisu tahay.