Poems

Muxubbo

Muxubbaay!
 
Muxubbo, Maxabbaay!
Sawjaddaydiiyeey!
Saxarlaay!
Jacaylkeennii saakaba
Soddon iyo labuu jirey
Waana soo socdaa wali.
 
Jacayl sugan, jacayl saxan
Saafiyoo qalbiga galay,
Jacayl aan ka suulayn
Sadriga iyo laabtoo
Ku sameeysan xididdada.
 
Intaan dunida saarrahay
Sed baan kaaga dhigayaa,
Samawada i deeqdaay!
 
Subax waaga barisiyo
Saacaddii aan joogaba,
Saatir waxaan ka tuugaa
Inaad samo ku waartoo,
Aadan seegin aakhiro
Sariida Fardowsoo
Safkii Nebiga raacoo
Salaamo uga dhigan taa.
 
Muxubbaay!