Garaad-daran naftaydaay!
Geeri iyo nololeey!
Guluf lagu negaadaay!
Gabno laga dhergaayeey!
Gabbal dumay habeenoo
Hadh gadiidan yahayeey!
Lammaan aan is-geyinoo
Guri qudh ah u hooydaay!
Googgaada xaajada
Gaaxdeedu waxay tahay,
Maan garan xogtaadee,
Maxaad uga gol leedahay?
Ma wax gaar ah baad too
Goonidiisa jira oo
Garab aan u baahnayn?
Mise gobol dad-weynaha
Ka go'aynnin baad tahay?
Maadigaa ah Gaarriye?
Mise laba gudboonoo
Is-geleynin baad tiin?
Gurrac-loo-abuuryeey,
Bal geddaada ii sheeg.
Garaad-daran naftaydaay!
Gurey iyo cadceedaha
Isku gedo miyaad tiin?
Gacal miyaad wadaagtaan?
Bal Giriig warkiisiyo
Guutadii Fircoon iyo
Waxa boqor la gawracay,
Ama aad gariir iyo
Guri ba'ay u taagnayd,
Googoos u mariyoo;
Giddi waaxyahaygiyo
U galaydh xubnaha oo;
Midba gees u taagoo
Ka gur sheekadoodoo;
Malaayiin gu' oo tegey
Ku dheh gebaggebeeyoo;
Geeddigoodi dheeraa
Mid kastaa guduudiga,
Halkay galabba joogtiyo
Goorteey kulmeenee
Gaarriye sameeyeen,
Godolkeeda ii mari.
Garaad-daran naftaydaay!
Sida gacanka Waaheen
Hadba gaaf-wareegaay!
Arrin aad gorfeysiyo
Waxaad shalay u guuxdaad,
Maantana ka giigtaa
Gol-daloolo yeeshee;
Miyaad dhalan-geddoontoo
Dib bay kuu gardaadsheen?
Ma runtaa gaboowdoo
Geedkeedu waareyn?
Guul-darradu dhankay tahay?
Guud ahaan waxaad tahay
Dadku kugu go'doonyoo
Isla waa go'aanoo,
Mid baad geesi adagoo
Gabbanayn la tahayoo;
Maan-gaab lumaayiyo
Mid baa ceel ganuuniyo
Kuu haysta gocoroo;
Mid baa kugu goblama oo
Gurxankiisu damihayn
Haddii saxar ku gaadhoo;
Gaadaa wax boobiyo
Mid baad good la tahayoo;
Mid baad garab laxaadliyo
Ruux guda abaaloo,
Loo galo wanaag iyo
Gaashaan la tahayoo;
Garaadlaay xogtaadii
Cidi gaadhi waydee
Dadkan kugu gabaabsiyey
Kumaa helay guntaadoo
Gacan-qaad la siiyaa?
Miyey gabi habaabeen?
Maadigaa wax gabayoo
Hadba geed is-mariyoo,
Goobba midab la joogoo
Gallibaxa habeenkii?
Garaad-daran naftaydaay!
In kastoon gucleeyoo,
Garmaamada haldhaagiyo
Gammaankaba ka jiitoo
Cirka sare galaa-baxo,
Adigay la gooshoo
Iga gaabinaynoo,
Goobtaan is-taagaba
Adigaa galluubane,
Ma gashaygu baaqdoo
Lagu yidhi ka soo goo?
Mise gaari inan oo
Guur-u-meer ah baad tahay?
Maxaad gama' u diiddee
Iga daba-gureysaa?
Dambiyaal waxaan galo
Ama geysto fool-xumo,
Gabigoodba ceebaha
Aan gaar u leeyahay,
In kastoon is-giijoo
Weji kale gashada oo
Dadka been ku gaasiro,
Adigaa giraanoo
Gunta iimahaygoo,
Hoos ii guhaadshee;
Godobtiyo xumaantada
Inaad tahay ninkeed-gaba,
Maxaad iigu garataa?
Garaad-daran naftaydaay!
Gumaysaad ku nooshoo
Dadkaa kugu garaacdoo,
Guddoonkooda mooyee
Kaa gareysan maayaan
Waxad adigu goysee;
Maad galabsan hawlaha
Kugu gaardiyaayee,
Galbiskii adoogaa
Goco oo ilmeeyoo,
Hooyadaa u goohoo
Galabtay ku dihatiyo
Eerso uur-galkaagii
The original version of this poem is written in Somali. The literal translation of this poem was made by Martin Orwin. The final translated version of the poem is by W N Herbert.
The most recent media items featuring this poem are
Reading of Self-misunderstood (audio), and these images:
Other poems by Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' that we have helped to translate are Passing Cloud, Kudu, She, Mandela and A to Z.
You can find out more about the translation process on this website. You can also add your own comments on this poem here and read what others have said.
We have media featuring the poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye'. Additionally there are details available about New recordings and photographs from the 2008 World Poets' Tour , another one of our events that Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' was involved in.
© Poetry Translation Centre 2004-2008 | Admin login
it's a beautiful poem that explores everybody's life!
C R H V 1 Y