Poems

Dookh

Haddaanad gabayga deelqaafka iyo, dari ka saaraynnin
Dalabtiyo haddaan laga midh tirin, diniqa aan muuqan
Meeshii dahsoonayd haddaan, lagu daqiiqeeynnin
Doogtiyo haddaan lagu lafgurin, dakharradii raagay
Darar lagama maaloo tixuu, dufan ma yeeshaane,
Aan dareersho caawoo kalaan, daribta saafaaye.
 
Inkastuu darmaan quruxsan iyo, daaddax ugu yeedho
Ama uu ammaan deexdo oo, ‘dawlo!' ku yidhaahdo
Hadal dhegaha deeqaaya oo, dabacsan oo fiican
Dun xariir ah iyo shaal hadduu, dahab ku saarsaaro
Daraandaryo araggaaga hooy, damacu waa yaabe,
Oo aanu dookhaaga noqon, waa dariiq xidhane.
 
Hadduu daaro waaweyn dhisoo, dabaqyo kuu jeexo
Dal dhan oo muraayad ah dhammaan, adiga kuu deyro
Sancadaw dambeeysiyo hadduu, dalabka kuu keeno
Naftu waxay yara doonayso uu, deregga soo saaro,
Oo aanu dookhaaga noqon, waa dariiq xidhane.
 
Inkastoo adduun door ah iyo, duunyo lagu sheego
Inkastuu dulqaad badan yahoo, deeqsi lagu sheego
Duub iyo malaaq uu yahoo, dooje lagu sheego
Digriiga iyo maastariga iyo, derejo weyn haysto
Digriigyo Quraankiyo hadduu, diinta yahay xaafid,
Oo aanu dookhaaga noqon, waa dariiq xidhane.
 
Inkastuu dillaacshoo qalbiga, daabac ku xardhaayo
Xididdada dil-dilayee wadnuhu, dirayo dhiiggooda
Dahriga iyo laabtaba ku dhigo, Deeqa magacaaga
Diiwaankii Cilmoo kale galoo, deli ka laallaado
Suugaanta duugga ah murtida, damashi kuu qaado
Daaweeynta heesaha intaa, daram garaacayo,
Oo aanu dookhaaga noqon, waa dariiq xidhane.
 
Haddii uu dalxiis kuugu diro, dunida guudkeeda
Diyaarado hawada sarena aad, kula damaanshaaddo
Durdur iyo hadduu kugu dul furo, ilo dareeraaya
Deeradiyo cawshiyo ugaadh, quruxda daa'uuska
Doog iyo cagaar soo ifbaxay, darinta kuu daadsho
Ama Daallo oo roobku heley, Dalawa kuu maalo
Oo doobi kuu buuxiyoo, kuna daryeelaayo
Dayrtiyo Gugaba kuu da'oo, adiga kuu deexdo
Daruur hoortay uu kuu noqdiyo, malakba doocanka,
Oo aanu dookhaaga noqon, waa dariiq xidhane.
 
 
Inkastuu darwiish adag yahiyo, geesi diriraayo
Dirica iyo wiil hoog yahoo, degello naafeeyo
Dumukha iyo qorigaba ridoo, diiradda u saaro
Halka lagu dagaalamo hadduu, doorar ka ciyaaro
Ama u daqiiqaaya oo uu, duubiyada gooyo,
Oo aanu dookhaaga noqon, waa dariiq xidhane.
 
Xeedhyo duuban oo duqus leh oo, geedo lagu daadshay
Hilbo duban kuwii diirranaa, qaar dux lagu shiilay
Daboolkiyo lingaxa lagu xidhood, uumi lagu daaro
Ubbadii dahaadhnayd haddii, diiqo lagu siiyo
Haddaan milix yar lagu daadinayn, kaama daadego'e,
 
Dookhana sidaasoo kalaan, loo dirqiyahayne
Damiirkaagu meeshaanu rabin, dooni kari maysid.
 
 
London, 21.08.2011