Poems

Habeenkii Maqnaanshaha

Laba ruux mataana ah
Mataanaah lammaanaa
Lammaanaa midoobaa
Midoobaa kalgacallada
Mahad eebbe garaa
Waysu miir dillaacaan
Mabda’ bay jideystaan
Meertada ayaamaha
Maqanaanta iyo kulannada
Meertada ayaamaha
Maqnaanta iyo kulannada
Ballannay muddeystaan
Maqnaanta iyo kulannada
Mid hadday is waayaan
Maya haa is dhaafaan
Waligoodba maalmaha
Tan xun baa u muuq dheer
 
Anigiyo mataantey
Xilliyada macaanka leh
Dhaaxaan mushaaxnee
Waxa wali igu mudan
Habeenkii maqnaanshaha
 
Habeenkii maqnaanshaha
Maqnaanshaha habeenkaa
Mad-habtii kalgacallada
Xilligii murgacashada
Maansadatan gocashada
Bal aan mariyo sheekada
 
Maalin bay ahayd koow
Maalmaha todobada ah
Ka mid bay ahayd garo
Ballantii middeennii
Meesheennii fiidkii
 
Maryac hurdada dheer
Ma riyooday galabtii
Ma is moodaey inaan tegay
Meeshii kalgacallada
 
Caadada magaalada
Maqribkii carraabada
Ma sii arartay socodkii
Hadba guri ma sii maray!
 
Ma abbaaray fiidkii
Goobtii muraadkoo
Maba joogto iyadii
Habeenkii maqnaanshaha
Maqnaanshaha habeenkaa
Mad-habtii kalgacallada
Xilligii murgacashada
Maansadatan gocashada
Bal aan mariyo sheekada
 
Dhaaxaan ka maagee
Isu tuuray mininkii
Weydiiyay magacii
Lay sheeg maqnaantii
 
Markey joogto gurigii
Muuqaalka fiicnaa
Ma ahayn sidiisii
Caawa waa madoobaa
 
Miiskii cashada tegay
Kursi madhan daraaddiis
Ma maceyn dhadhamadii
Marbaan qaatay oo kacay
 
Waxaan qaaday marinkii
Raadadkii mulaaqnaa
Ma sanuunshey keedii
Ma lahayn astaantii
 
Dayaxaan la miran jiray
Ma ifayn habeenkaa
Malkadii caweyskuna
Meeshiiba kuma ool
 
Meehannoow rugteedii
Ku ag meeray socodkii
Ma anigaa haweenkii
Igu maararoobeen
Habeenkii maqnaanshaha!
 
Laantii magoolkiyo
Caleemuhu marriimeen
Manku uu ku jookhnaa
Ma ka waayey beertii
Mirta layl dhexaadkii
Mucurtida hamuuntii
Hadba sii minqaadoo
Murugada la dheelmaday
 
Waxaan mala-awaalaa
Warka mahdin maysee
Kolkey maqasho waa yimi
Mana joogo waa tegay
Muran iyi is-weyddiin
Sababaha maqnaanshaha
Ma ahayn xiriirkii
Na dhex yiil maqaar-saar
Milgadii kalgacallada
Mid kalaa la yaab lehe
Amba waa maqnaan jiray
Magansaday habeenkaa
Maxaa wacay xusuustaa?
Sannad-guuraadii mudan
Saddexaad na soo maray
Soow macdii hal koowaad
Ma ahayn xuskeedii
 
Habeenkii maqnaanshaha
Haddii aadan maqnaateen
Heestaa ma mariyeen
Masallaha jacaylka ah
 
Habeenkii maqanaanshaha
Haddii aadan maqnaateen
Maansada ma tiryeen
Suugaanta madhaxa leh
 
Habeenkii maqnaanshaha
Haddii aadan maqnaateen
Murtidaa ma reebeen
Mahaddana adays ka leh.