Poems

Hawraarta Afkeenna

Hadalkii aan ujeeddiyo
Himilo toosan lahayn
Iyo hadaaq waa ku dilaa.
 
Hawraari waa murtideenna
Haddana waa gabaygeenna
Ama heesta cayaarta
Ama hawsha middeeda.
 
Heello iyo buraanbur
Hooriskeeda iyo jiibka
Higgaadda iyo luuqda
Haasaawihiyo ammaanta
Hanjabaaddiyo faanka
Halxidhaaliyo sheeko.
 
Waa hiraab iyo toosin
Waa afkii hiddaheenna
Amase hooyo iyo aabbe
Hantidii ummaddeenna
Habistii ubadkeenna.
 
Waa hoggaan dhaqameedka
Marna aan la hureyne,
Lagu soo hiranaayo.