Poems

Ummuliso

Hooyo aan la aqoonsan
Hooyo aan la ogayn
Hooyo aan la astayn
Hadda aan laga oollin
Ummulisoow adigaa ahna.
 
Ooridii dinahanaysa
Marka fooshu eryayso
Tay ku eeranaysaay
Astaantii naxariista
Ummulisoow adigaa ah.
 
Qof kastoo ifka jooga
Ammintuu dhalanaayay
Soo dhoweynta ilmaha
Irriddii jiritaanka
Ummulisooy adigaa ah.
 
Ubadku goortuu
Uurka hooyo ka arooro
Marka adduunka
Dhibaato oosha
Ugu horreysa
Markuu abbaaro
Naqasku oofta
Oohintiisa
Axad u jeela
Ku farxa oohin
Adiga weeye.
 
Ujeeddadaadu
Ubadka weeye
Ha amba qaado
Ammuu ahaanba
Waayaha adduunka
Kan abda-yeela.