Poems

Dawladnimo Haybsha

Adoo huba wax kuu daran haddii, aad ka hari waydo
Garashada waxaad kala hal noqon, hawtulhamaggiiye
Isagaa horowgala dabkoo, aan hareer marine
Hal ku seega waa la arki jirey, habowse waa liide.
 
Haddaan la hinjin weligeedba talo, way hawirantaaye;
Soomaaliyeey wixii horiyo, haatan iyo eegga,
Hiddihiyo intaan dhaqanka iyo, haybtayada guurin,
Ciiddeenna hodanka ah intaan, nacabku hayl-haylin
Oo haayir noo yimid arlada, naga hadhiinaysan.
 
 
Hubka dhiga dagaalkana hojiya, haayinta colaadda!
Haaraanka gacal waw xunyee, ciilqabka hilmaama!
Isu soo hilooboo midnimo, saaka ku heshiiya!
Hambo-qabasho mooyee markaa, haayid kale daaya!
 
Intaad Eebbaheen hiishataan, dawladnimo haybsha!
Waxaad heli habeenkaa midaad, ku haqabbeeshaane,
Haddii kale huq iyo ciil ku jira, talo ma haysaane!