Poems

Dha’da gabayga wataanan tirin, dhowr guyoo tegeye
Dhaantadiyo waa taanan tumin, dheeshi maansada’e
Dhoolkii murtida waanigaan, dhab ugu luuqeeyne
Soomaali ruux dhiig u galay, dhawrsan kari waaye
Anuun baa dhalaallaye malaa, dhuganba maysaane.
Maantana dhawaaq baa bixiyo, dhiillo aan damine
Dhakhaatiirti wada laaye iyo, dhidibki Soomaale
Dhuuxii Caddow bay shubeen, waqay dhantaalmaane
Qamar oo madhaafanna bay, luxudka dhiibsheene
Dhallintii la sugayay mar qudha, dhaadka jebiyeene
Dhirtu waa u oydoo cirkuna, dhibic u soo daaye,
Bal maxay ka dheefeen kuwaa, cunay dhallaankooda?
Dheeldheel ninkiii moodayow, dhamacday Soomaali
Dhaawac baa ka taahaya oo, dhaymo lala waaye
Maydkaa dhalfiifaha noqdoon, cidina dhaadayne
Ubbada kii dhanqalan weeye oo, dhaygag baa dilaye
Dumarkii dhafoorkay hayaan, dhama’ daraaddiiye
Dhag hurdada u lediwaa qofkii, dheegtey waayaha
Dhankii aad ka eegtaba qalbigu, waa is dhimayaaye
Qaxootiga kan dhunyaalay baa, dhibay naftaydiiye
Kuwa doonta lagu dhoofiyee, lagu dhammeeynaayo
Ee badweyn ku dhimanaaya baa, dhibay naftaydiiye
Dhaqankeennan baabba’ay ayaa, dhibay naftaydiiye
Diintaa la dhalandhooliyaa, dhibay naftaydiiye.
Xamareey dhibkaagay damqoo, waan dhutinayaaye
Xamareey raggii kuu dhashaa, dhuunta kuu galaye
Xamareey dhurwaa baa ku heley, aan dhergi aqoone
Xamareey nin dhaar kuu galaan, kuu dhammeeyn weliye
Xamareey dhunkaal qooshan bay, kugu dhex daadsheene
Xamareey nin aan kuu dhigayn, baa ku dhaansadaye
Xamareey raggii dhaadhacyoo, dhuuryay baa hadhaye
Dhoongay iyo nacas baa fadhiya, dhamastii weyneyde
Dhira-dhabato kaa beere iyo, geed dhilowyahane.
Dharaartii Ilaah keeno iyo, waaga dhaladkiisa
Dhugta qoriga kaaraha dhiciyo, jiibka dhabanaaya
Dhinbiilaha qarxaayiyo madfaca, dhamacda tuuraaya
Suugaa dhacaayiyo waxaa, dhuumo laba qaacay
Hub gumeyste soo dhiibay baa, laysla dhacayaaye
Dhallaanka iyo maatida ayaa, lagu dhammeeyaaye
Dhabandaadna garanwaa inuu, taa ka dhiidhiyo’e
Doqon baa dhabbada sii hayoo, dhawda muu garane
Dhugdhugtuba raggeer uma dhacsana, jeer la soo dhigo’e.
Waxba gabaygu yuu ila dhacmine, wayska dhigayaaye
Waxa aan u sii dhaadhacaa, waa dhegxumo uune
Dhidarkii xabaalaha qotaan, noqon dhiggiisiiye
Dheef lagama quustee dadkii, waa dhursugayaaye
Duco dhaaban baan marinayaa, dhaha bal aammiinta!
Allahayow halyey dhiirran oo, dhaarta fulinaaya
Oo Dhammays lisaayoo nirgaha, aan ka dhadhinaynnin
Dhiilka iyo gaawaha midkii, dhayda uga buuxsha
Oo nabaddu waa dheemanee, Dheeha uga maala;
Dhulku wuu ilmeeyee midkii, dhab ugu soo hiisha
Dhagaxa iyo ciiddana mid aan, cadow u soo dhaafin
Dhadhamiyo midaan lagu sabayn, dheriga loo buuxsha
Fule dhababaceeyaa helee, kii u dhimanaaya
Dhaxan baa idlaysee midkii, dhacan ku awdaaya
Dabayshaa dhurbaxays iyo, dhedada hooraysa
Mid dhismo adkeeynaya oo, seeska dhababaaya,
Rabbiyow mid calanka u dhisaan, kaa dhursugayaaye.
 
London, 2009