Poems

Ta'iyo Wow

Caalinow, Ta' iyo Wow,
Bal tixraac halkaan maro!
Tukayaasha duulaa
Warka waysu tebiyaan;
Waa aftahan qudhaanjadu;
Geeluna tawaawaca
Kolka biyaha loo tubo
Ways tibaax yaqaannaa;
Tigaaddaad arkaysaa
Kaftan ay taqaannay
Hoos-ka-tuur u leedahay;
Taaha adhigu waa hadal
Urtu waysku tooydaa;
Toggagiyo dabayluhu
Tookh bay la reemaan;
Tankiisuu aboorkuba
Toos ugu xidhiidhaa;
Daruuruhu tub gaadhay
Heesaha u tiriyaan;
Dhulku wuu tiraabaa
Tifka roobka dayruhu
Onkod buu la taamaa.
 
Waxay hoga-tusaysaa,
Afka nolosha waw tiir
La'aantiisna tuur iyo
Tulux lagama waayeen,
Tayo may lahaateen
Dhaqan lama tallaaleen
Qaran lama tusmaysteen,
Nin kastaa ha tookhee,
Far baa lagu tanaadaa.
 
Haddii qalinka loo tudho
Wax qoraalka laga tago,
Lama taabbaggeli karo.
 
Waaq iyo Tinniix iyo
Bal Tincaaro weyddii,
Soo tiri ayaamaha,
Taariikhda raacdee!
 
Afkaygow, tabaaliyo
Maxaad tow ku nooleyd!
Maxaad belo u taagneyd!
Shisheeyuhu tab iyo xeel
Muxuu kugu tuntuunsaday,
Tisqaadkaaga dhaawacay!
Maxaa gabay tilmaannaa
Maahmaaho toolmoon
Maalmuhu tireenoo
Qalbigaygu tebayaa!
Maxaa erey tafiir go'ay!
Maxaan maanso teeriya,
Tacab ba'ay ka joogaa!
Sida ay u taxan tahay
Murtidaadu tabanaa
Teelteelna badanaa!
 
Maxaan sheeko taabud ah
Tawraadi faallayn
Weli nebina soo tebin,
Kaa tasoobay oo lumay!
 
Ubadkaagu toos iyo
Maxay talada seegeen!
Maxaa taar mid soo diray
Ka kaleeto tuuroo,
Laba tulud wadaagtaa
Turjubaan u baahdeen!
 
Qoraalkaagu tacab iyo
Muxuu dhigay turxaannoo
Tartan ba'an aloosoo
Colba doc iska taageen!
 
Allaylehe tabtaan rabay
Haddaa lagu tixgeliyoo,
Tacluustiyo wadeecada
Caawaba ka togatee,
Taw wiif ka siiyoo,
Taltallaabso maantoo,
Murtidaadu waa toge!
Taageer hiddaayoo,
Sayidkii ku toosoo,
Taabsii xogtaadoo,
Ku tirow Balaayacas!
Soo toosi Haabiil!
Raage taranta gaadhsii!
U tukubi higgaaddoo,
Soddon tirada dhaafsii!
Toban shaqal ku geeraar!
Shibbannaha ku taakuli!
 
Hadal lama tasoobee,
Guddigii ku tiirshee
Kugu taxay xuruufaha,
Mahad iyo tahniyad sii!
Taalladay mutaysteen,
Ka dultaag Cirjiidhyada!