Poems

Caashaqa Iska Illow

Cishaduu Ilaahay
Cirka taagay udubli’i
Ciiddana ka dhigey gogol
 
Webiyadaa cartama iyo
Cidhifyada bad kaga xidhey
Iyo buurahaa culus
 
Cimrigeed adduunyada
Waxaa jira col iyo nabade
Caydh iyo nin xoolo leh
 
Iyo laba is-caashaqay
Caawana kama ay tegin
Caynkaynnu ku ogeyn
 
Adna calafka kuu qoran
Cunaa seegi maayee,
Caashaqa ha baayicin!
_____________________________________
 
Caddadkuu Ilaahay
Carradeenna joojee
Aadan ciidda ka alkumay
 
Xaawana cadkiisiyo
Feedh-calaanta laga dhigey
Cishadaa ma uunneyd?
 
Caawana ma nooshahay?
Caqlaa diidey hadalkoo
Carrabdalab la sheegee
 
Ceeryaamo iyo boodh
Ciiro haysku qarinnine
Noloshayda caydh iyo
 
Cilmi guur aan ku fadhiyin
Ku carcaarin maayee,
Caashaqa iska illow!
 
Xalaytaba caweyskii
Canabey daruuruhu
Cimidh bay ahaayeen.
Caawana laguma oga
Waqtigii ku ciiliyo
Cisigiyo wanaagguna.
Ways daba carraabaan
Waxaana kuu caddeyn kara
Caamiyaha indhahali’iyo.
Ma ogtahay curyaankaba
Cago looma waayine
Caynkaa wax loo yidhi.
Kuwa cararayee ladan
Inay ku cibraqaataan
Caashaqa ha baayicin!
_____________________________________
 
Badda caarid maalmo ah
Cawaddaranta fiidkiyo
Caddadaa walaalo ah.
 
Cadceeddii timaaddana
Dadka ruux caddibanoo
Waayuhu ku ciiriyo.
 
Mid caruus ah ayaa jiroo
Caad igama saarree
Cilmiyadaa Ilaahay.
 
Anigoo an caasiyin
Cabsi haygu gelinnine
Adigoo aan cuud dhaqan.
 
Caashaqaan ku taabtaan
Cudurdaar u yeelee
Ceeb kale miyaan dhimay?