Poems

Ma Salguuro Caashaq

Ma salguuro caashaqe,
Ani sibiq ma igu yidhi?
Intuu samada ila tegey
Saxar-qaadka fooraha
”Dul-sabbee!” ma igu yidhi?
 
Dhalanteed ma igu sabay?
Soojeede maqan oon
Seexannayn ma iga dhigey?
 
Ma salguuro caashaqe,
Ani sahal ma igu heley?
Intuu soortii iga jaray
Suun adag ma igu xidhey,
Ma i saaray heegada?
 
Wax sanceeya ma u la’ay
Saaka maygu weynyahay?
Suxullada ma ii dhigey?
 
Ma salguuro caashaqe,
Ani salow ma igu ridey?
Sambabbadiyo feedhaha
Intuu surimmo kala baxay
Ma ku soofay xididdada?
 
Seediyo lafaha iyo
Wadnihii ma sarayoo,
Halistii ma suranyahay?