Poems

Dhab u Xusuusnaada!

Badda: Gabayga
Mowduuca: Garsoorka
 
Haddii xubin garsoore sare iyo, xaqa laguu dhaarsho
Xigto iyo qabiil iyo haddaad, xaynka ku asqowdo
Laaluush xammuurani qalbiga, kaaga xidideeysto
Xoolo qof leeyahay haddaad, mid u xalaaleeyso
Xammil-dhaafku awr wuu dilaa, xadhig qalloocdaaye,
Xumaatiyo inaan boolli iyo, xaqu walaaloobin
Oo ay xad kala leeyihiin, waa xuruuf qorane
Haddii aad xilkaagiyo bulshada, xeerarka u laabto
Haddii uu xaqsoorku ambado, wareer kalaa xigi.
 
Xaashiyow agoommada la dhacay, baaddilka iyo xoogga
Dumarkaa xuquuqdooda maqane, xaakin uga dhaartay,
Xilliga iyo kibirkaa jiraa, cidi ma xaaleeyne
Xumo uunka dadka wadaa, way xayiranyiine
Xeer-beegtidoodaa kharribay, xaaladaa jira'e
Xumaha shicibka loo geystey waa, xidh iyo laaluushe
Xadkii dhaaftee aakhiro waad, xagal-ka-daacdeene,
Xumaatada haddaan layska qaban, ma xasilaysaane.
 
Kaasi xaafaddeennuu ahaa, maaha xaajaduye
Kaasaad xidhiidh leedihiin, maaha xaajaduye
Kaasina xigaal buu ahaa, maaha xaajaduye,
Xaashee garsooryahow ambaday, xaqa u soo laabo!
Xinjir baad faraha kula jirtaan, sun iyo xaaraane
Xeedhada gunteedaa dhunkaal, ku xafidaysaane
Sida awr xidhiidh ku af-maddan buu, lumay xaqsoorkiiye
Laaluush qofkii u xaddida bay, u xaglinayaane
Xoolo iyo itaal kaan lahayn, xanan la jiidhsiiye
Xaggooda iyo dhankooduu qalbigu, iga xanuunaaye
Xumaha iyo haddaan baaddilkow, ku xakameeyn waynno
Oon sacabka xeelad ugu tumo, waa xurmo-la'aane.
 
Xaakiinkii bulshada dhaawacee, dhaca xalaaleeyey;
Haddii xoolo geel iyo hunguri, kula xakaaloobo,
Xabaalo iyo qubuuraa jiree, dhab u xusuusnaada!
Iil baa la kala xaadhayaa, dhab u xusuusnaada!
Xuladdo iyo naar baa jiree, dhab u xusuusnaada!
Xays bay jannadu leedahee, dhab u xusuusnaada!
Ilaahay baa xisaabaha qoree, dhab u xusuusnaada!
Xaadir aakhiraa imanayee, dhab u xusuusnaada!
Xaakin buu Ilaahay ka yee, dhab u xusuusnaada!