Poems

Agoon

Ararta gabayga waayadaan, eeg isma lahayne
Ma aloosin maansooyinkii, aan astayn jiraye
Alifka iyo Miimkaba ma curin, iba furkoodiiye
Asaaski murtida waanigii, daayay illinkeede
Allaylee markaan uurxumada, eegi kari waayay
Inaan erey idhaahdaa kolkaa, way ekoontahye.
 
Waddan aabbihii waayay oo, wada agoomoobay
Ay ooridiisii mar hore, aakhirow hoyatay
Afka oodda laga saaray oo, aqal madow taagan
Oo aan adeer iyo abtiyo, eeddo kale haysan
Oo ehelka kii ugu xigaa, iilka wada geeyey
Oo ay ayaaniba ayaan, ugu amaah doontay.
 
Abris aadunoo laba afle ah, odayadiisii dheh!
Wixii aan aqoonyahan lahaa, aaway magacood dheh!
Isma dhaanto bay wada noqdeen, inan raggeedii dheh!
Ergadoodu waa taa iyaga, uubta gelinaysa
Amley baa wadnaha laga sudhaa, amarka kii diida
 
Iyagays arkaayee cid kale, kuma ilduufteene
Indho beeshey Soomaali oo, waa ogsoonnahaye
Awood hadday lahayd beri iyagays, jaray unuunkiiye
 
Abeesow inkaaraa dhiciyo, aafadiyo hoogga
Awaaraha iyo boodhkaa ka kaca, arladi Soomaale
Uuradaa ka boodaysa oo, aadmi geli waayey
Adduunyadaa ku tababbarata oo, waa iskuul furane
Ummaddii ku noolaydna waa, kala abraareene.
 
Argaggaxii ku dhacay waa kuwaa, inniba meel aadday;
Inna waa intaa ooyaysee, wada itaal beeshey
Inna waa intaa ololaysee, loo arxamahaynnin
Inna waa intaa aay cidla' ah, lagu ugaadhaysto
Inna waa intaa aayo li'i, arad Carbeed daadsan
Inna waa intaa aradkan Gaal, eeridhaban keeney
Inna waa intaa eedadday oo, ubuc badeed jiifta.
 
 
Ayaandarrada ina haystaan, la anfariiraaye
Eerigo'anka aan taagannaan, la amankaagaaye
Is afgarad la'aantaa ayaan, ka istixyoodaaye
Asaraarka diintii galee, loo abtirinaayo
Arday iyo macallinkii ayaa, wada alhuumaysan
Astaantii Kitaabkay wataan, iyo Axaaddiise
Nin waliba intuu doonayuu, ku andacoodaaye
Abdo beeshayoo waydinkaa, aan u tudhahayne
Waxa aan galnee uumiyuu, innagu eedeeyey
Af-ku-xoogle mooyee nin kale, waa ogsoonyahaye.
 
Aheey sow qalbiga kama ilmeeyn, umal la taaheenna!
Aheey sow qalbiga kama ilmeeyn, aayo li'idiinna!
Aheey sow qalbiga kama ilmeeyn, aniga ii daada!
Aheey sow qalbiga kama ilmeeyn, aano nagu raagta!
Aheey sow qalbiga kama ilmeeyn, ayaan li'ideeda!
 
Aheey sow qalbiga kama ilmeeyn, ‘aayar tali!' diidka!
 
Hooyada sidii igadh maqaar, wayday ubadkeeda
Hooyada halkay eeg tidhaa, lagaba awdaayo
Hooyada ‘ax!' iyo ‘way!' ku nool, oogtiyo allaylka
Hooyada halkay addin dhigtaba, adhax wareegaysa
Hooyada agteedii madfaca, lagu asiibaayo.
 
Waxba arami bay jiifsatee, yaanan urugoonnin
Isticimaar hadduu ii dhashiyo, amar-ku-taagleeyne
Addoonsigaan ka baxay waanigaa, galay albaabkiise
Afrikada madow bayga daran, aarka saanta cade
Asqow baa raggii iga noqdoo, wuu anbanayaaye
Sidii awrta raraygoo kalaa, ‘ooh!' la leeyahaye
Ama adhi xayeeysoo kalay, wada ekaadeene.
 
Afgembiga wax igaga daran, amal la'aantayda
Aayar baa wixii layla rabaan, oofinahayaaye
Ilig baa la dhaafsaday Abees, udubdhexaadkiiye
 
Asaaggay haddii aan ka hadhay, eegmo xumadayda
Waa inaan illoobaa naftaba, way eekoontahaye
Waa inaan abaadaa sidaan, aakhirow kacaye
Waa inaan adduunyada dhammaan, kaba ag guuraaye.
 
Waxba alifku yuu ila gudbine, waxaan ku soo ooday;
Eebbow iyagays eersadee, cidi ma aanayne
Eebbow is aamminid la'aan, uurxumada taalla
Eebbow iyagays wada arkee, adigu soo oolli,
Eebboow abaaraha dhiciyo, omoska jiilaalka
Inuu ubuxu noo soo baxaan, kaa igmanayaaye,
Nabad baan u oonnee Allow, adigu noo oofi,
Neecow udgoon badan inaad, uga dambeeysiisid
Isnacayb ayaa kala galee, mid isu keenaaya
Oo Eebbihii garanayaan, hadal ku soo ooday.
 
London, 2009