Poems

Geyigeenna

Cirka oo gu’ hoorshoo
Hillaac galalacleeyiyo
Daruuruhu gufaacada
Guur guurayaano
Godolkii la hibitiqay.
 
Xareeddii geyiga iyo
Goglantahay jidhaanto
Godamada ka buuxdoo
Balliyadu gingimanyiin
 
Ubaxii gardhooboo 
Gaasheeyey midabkoo
Guntimuhu sinmeenoo
Garaacayso laydhii.
 
 
Dhirtuna ay gun iyo baar
Gedafka isku haysoo
Laamaha gankoodiyo 
Faraqii is gaadheen
 
Shinbiruhuna geestood
Hadba geesh codkoodii
Googooynayaanoo
Rahuna gaar isula baxay.
 
Oo labada goorood
Gabbalka iyo waagaba 
Go’bo leeday dhibicdii.
 
 
Hoobaan guduudiyo
Dhafaruur go'ayso
Guudku wada casaadooy
Garabtaal midhcaanyadu.
 
Jinawgoo gardhooboo
Caleentii goshiisiyo 
Ay guudka qarisoo
Gurnaayo uunkii.
 
 
Goryga iyo caawshiyo
Giirr qurux ugadhiyo 
Garanuug idilkeed 
Gaan gaanbiyeenoo
Hadaba geed magoolkii 
Mayracad ku goostaan
 
Geeliina dhalayoo
Gees wayntu darartoo
Adhigiina godol yahay.
 
Xooluhuna gebigood
Isha aad la gaadhoo
Geesaan fogaynoo
Guriga ay ag daqaan.
 
Gabankii la jogiyo 
Kureygii go'qaatoo
Intay hadhac golaysteen
Googalysi goodii
Googoostay sheekada.
 
Halihii gobaad iyo 
Gorad ay lahaayeen
Oo nirgii ku goohoo
Darartii gubaysoo 
Isu guuxay ololkii
 
Inta goor caweysina
Haaneedkii lala galay
Danbarkii ku gaaxdiyo
Laga gurayo ibihoo
Goroofkii la culay iyo
Gaawihii la buuxshoo
Gebiba beeshu negi tahay
 
Galadaan tilmaamee
Geyigeena taaliyo
Nimcadaa  gadhoodhee
Geesaha ka qubatee
Cidi weli galaan darain
Allahayow na garansii.