Poems

Garaad-daran

Garaad-daran naftaydaay!
Geeri iyo nololeey!
Guluf lagu negaadaay!
Gabno laga dhergaayeey!
Gabbal dumay habeenoo
Hadh gadiidan yahayeey!
Lammaan aan is-geyinoo
Guri qudh ah u hooydaay!
 
Googgaada xaajada
Gaaxdeedu waxay tahay,
Maan garan xogtaadee,
Maxaad uga gol leedahay?
 
Ma wax gaar ah baad too
Goonidiisa jira oo
Garab aan u baahnayn?
Mise gobol dad-weynaha
Ka go'aynnin baad tahay?
 
Maadigaa ah Gaarriye?
Mise laba gudboonoo
Is-geleynin baad tiin?
Gurrac-loo-abuuryeey,
Bal geddaada ii sheeg.
 
Garaad-daran naftaydaay!
Gurey iyo cadceedaha
Isku gedo miyaad tiin?
Gacal miyaad wadaagtaan?
 
Bal Giriig warkiisiyo
Guutadii Fircoon iyo
Waxa boqor la gawracay,
Ama aad gariir iyo
Guri ba'ay u taagnayd,
Googoos u mariyoo;
 
Giddi waaxyahaygiyo
U galaydh xubnaha oo;
Midba gees u taagoo
Ka gur sheekadoodoo;
Malaayiin gu' oo tegey
Ku dheh gebaggebeeyoo;
Geeddigoodi dheeraa
Mid kastaa guduudiga,
Halkay galabba joogtiyo
Goorteey kulmeenee
Gaarriye sameeyeen,
Godolkeeda ii mari.
 
Garaad-daran naftaydaay!
Sida gacanka Waaheen
Hadba gaaf-wareegaay!
Arrin aad gorfeysiyo
Waxaad shalay u guuxdaad,
Maantana ka giigtaa
Gol-daloolo yeeshee;
Miyaad dhalan-geddoontoo
Dib bay kuu gardaadsheen?
Ma runtaa gaboowdoo
Geedkeedu waareyn?
Guul-darradu dhankay tahay?
 
Guud ahaan waxaad tahay
Dadku kugu go'doonyoo
Isla waa go'aanoo,
Mid baad geesi adagoo
Gabbanayn la tahayoo;
Maan-gaab lumaayiyo
Mid baa ceel ganuuniyo
Kuu haysta gocoroo;
Mid baa kugu goblama oo
Gurxankiisu damihayn
Haddii saxar ku gaadhoo;
Gaadaa wax boobiyo
Mid baad good la tahayoo;
Mid baad garab laxaadliyo
Ruux guda abaaloo,
Loo galo wanaag iyo
Gaashaan la tahayoo;
 
Garaadlaay xogtaadii
Cidi gaadhi waydee
Dadkan kugu gabaabsiyey
Kumaa helay guntaadoo
Gacan-qaad la siiyaa?
Miyey gabi habaabeen?
Maadigaa wax gabayoo
Hadba geed is-mariyoo,
Goobba midab la joogoo
Gallibaxa habeenkii?
 
Garaad-daran naftaydaay!
In kastoon gucleeyoo,
Garmaamada haldhaagiyo
Gammaankaba ka jiitoo
Cirka sare galaa-baxo,
Adigay la gooshoo
 
Iga gaabinaynoo,
Goobtaan is-taagaba
Adigaa galluubane,
Ma gashaygu baaqdoo
Lagu yidhi ka soo goo?
Mise gaari inan oo
Guur-u-meer ah baad tahay?
Maxaad gama' u diiddee
Iga daba-gureysaa?
 
Dambiyaal waxaan galo
Ama geysto fool-xumo,
Gabigoodba ceebaha
Aan gaar u leeyahay,
In kastoon is-giijoo
Weji kale gashada oo
Dadka been ku gaasiro,
Adigaa giraanoo
Gunta iimahaygoo,
Hoos ii guhaadshee;
Godobtiyo xumaantada
Inaad tahay ninkeed-gaba,
Maxaad iigu garataa?
 
Garaad-daran naftaydaay!
Gumaysaad ku nooshoo
Dadkaa kugu garaacdoo,
Guddoonkooda mooyee
Kaa gareysan maayaan
Waxad adigu goysee;
 
Maad galabsan hawlaha
Kugu gaardiyaayee,
Galbiskii adoogaa
Goco oo ilmeeyoo,
 
Hooyadaa u goohoo
Galabtay ku dihatiyo
Eerso uur-galkaagii