Poems

Dhigaalka Far Soomaaliga

Dhalashada afkaygiyo
Dhigashada fartaydaan
Kaga baxay dhibaatoon
Hawlihii ku dhaafee,
Iyadaa dhaqaalaha
Dhidibbada u aastoo
Dheelliga u diiddaye,
Dhulka wadajirkiisee
Iyadaa dhammeesee.
 
Waa inaan ku dhaataa afkayga,
Waa inaan ku dhistaa afkayga,
Waa inaan ku dhaqdaa afkayga,
Waa inaan ku dhergaa afkayga,
Waa inaan ku dhintaa afkayga.
 
Shalay dhabannahayskii
Dhoolla-qosol maanta ah
Xalay bow dhexeeysee,
Dadka dhooban meesha
Laysku soo dhowaadee,
Dhanka qudha u jeedoow!
Ma hesheen dhambaalkii?
Hadalkii ma dhuuxdeen?
Ma idiin dhadhamayaa?
 
Waa inaan ku dhaataa afkayga,
Waa inaan ku dhistaa afkayga,
Waa inaan ku dhaqdaa afkayga,
Waa inaan ku dhergaa afkayga,
Waa inaan ku dhintaa afkayga.
 
Qofka dhoohanow, arag!
Kii dhegala’ow, maqal!
Haddaan dheri dab lagu shidin
Dhuuniga ma kariyoo
Waxba lagama dheefee,
Dheehdoo danteennii
Halka dhaawac kaga yaal
Lafta dhabarka weeyee,
Boogaha ma dhayannaa!
 
Waa inaan ku dhaataa afkayga,
Waa inaan ku dhistaa afkayga,
Waa inaan ku dhaqdaa afkayga,
Waa inaan ku dhergaa afkayga,
Waa inaan ku dhintaa afkayga.