Poems

Carshigii Jamaalka

Ma cawaa ma caanaa
Ma ciirtaa ma calaf baa
Ma cuq baa ma cigashaa
Ma cisaa ma culuq baa
Ma daruur gu' curatoo
Cir caddaad an noqon baa
Ma cigaalka feleggiyo
Cirjiidkii mariiqaa
Ma magool cusayb baa
Ma cadceed arooryoo
Falaadhaha casuustaleh
Ku cabsiisay dheeggoo
Ceeryaantii didisaa
Ma xareed is celisaa
Ma habeen cadda ah oo
Balliyada cigaagani
Casuumeen xiddigahoo
Sida camal muraayad ah
Cirka dayaxi kaa jiray
Dhulka kaa cawaray baa
Cosob rayska xaadhiyo
Ma gargoorkii ceegoo
Calyayada barkaday baa
 
Alla sama cuddoonaa
Udugaa carfoonaa
Samsam caynka loo dhigay
Citibaaro badanaa
Calle ma aha liiti ah
Habac maaha ceebaleh
Qallef maaha camal ba'an
Coon maaha loo hoyan
Baali maaha caaryaleh
Cirir maaha toomama
Cawro maaha socod badan
Cayil maaha laga dido
Caatana u may bixin
Cid kastaba u geeyoo
Meel laga canaantiyo
Cillad loo ma heli karo
Cabdiyow tallaabada
Cutiyaan idhaahdaa
Timahay caweyskii
Cirifyada u saartee
Ku cayaara leydhee
Haldhaayaduna cawryaan
Indhaheeda cawsha ah
Mus cideedka midabka ah
Sanqadhoodhka caynaba
Timaheeda culayga ah
Ciridkeeda dhuxusha ah
Ilkahaa caddaanka ah
Camankeeda xaaddaleh
Dhexda caara dhuubta ah
Cududaha garaaraha
Kubabkay u culustahay
Cambarshaha sudhkeeday
Firirsheen cabbaaryadu
Waa Xuur al-Caynoo
Kolba anigu tin iyo cidhib
Cad aan quudho kuma arag
Cagfudayd u may dhalan
Cadho lagu ma sheegeyn
Waa canaadi lama odhan
Carrabkeedu beentiyo
Ma yaqaano caydaba
Wax ka cawda maan maqal
Ma cod dheera waa gabadh
Xishood baa u caado ah
Cimri waa u gaban weli
Caqli waa u waayeel
Cidhib baanay leedahay
 
Aniguna ma caasiyo
Cadraddii ammaan lehe
Carshigii jamaalkaan
U caleemo saaraye
Adna cadar Hadraawow
Hambalyada u soo curi