Poems

Daabaqad

Dabuub gabay baryahan maanaan tirin da’ayo waw geede
Duugi maanso waan jooji iyo dulucdii suugaan e
Ma dareersho geeraara daan daadahayn jiray
Qofsee dirkiisu soomaali yahay waa damqanayaaye
Ciil buu la daaduumay oo wuu dardhanayaaye
Naftaa igu dirqiyeysee ma rabin dib uga faaloode
 
Da’da gumayste diidaya buu daawo geliyaaye
In tuuse dawdar talinayo iyo doqonka sii liitaa
Dux u yeelan maayaan idhee daba hadalkooda
Mar hadday durbaanka u tunteen dabaqa hooseysa
Dugaagba dhammaan idhee daaba hadalkooda
Iyagaa iswada dooxay ee daaba hadal kooda.
 
Daabaqad nin lagu jiiday oo doolar lagu iibshay
Oo ramuud dalabayaa hadhee daaba hadalkooda
Kuwo darajo beeniyo la sudhay duubka madax wayn
Misna digo shidayaa hadhee daaba hadalkooda
 
Dareen kaa i farayee ma rabin inaan ku daalaye
Duul hore u lumay baan intaa doon i leeyahaye
Dib waxan u dhaca ahayn ayay doon i leeyahaye
Damal aan hore u wayay bay doon i leeyahaye
Geesi iilka lagu duugay bay doon i leeyahye
Kuwo doon la wada caariday doon i leeyahye
Qaxootiga dabayl raacay bay dooni leeyahye.
 
Deebaaq qof loo qooshay oo dacar la leefsiiyey
Oo dakhar walaalkii ku dhigay doogo la kici waaye
Dabaa laga hulaaqa dalkii dogobyo waaweyne
Inuu dego raga baw diidan oo diirad baw xidhane
Dahramaad ayaa lagu baxshaa sudumi laaye.
 
Afartaa daryaankii dhiciyo degel madoobaaday
Du-baabad qarxiyo kaarihii laysku dabar gooyey
Miinada la wada daadiyeen dayrka lal raacay
Madaafiicda daran doori gee laysu diran-aayo
Nin da’adkisi babbiyey oon dan kallahayn dheeh.
 
Dugsi baysu noqon layd hadday garto dawgeede
Soomaali yeey dabar go baad dacalka haysaaye
Dawr baad u tu mataane colaad laga ducaystaaye
Dirir iyo cadaawaa isu galay duqay tidaadiiye
Maalinba da’adow curata ba dalam la siiyeye
Doorkii u kaca yaa mindida lagu dilaacshaye
Dumarkiyo carruurtaa rasaas lala dul joogaaye
Sii roob dayoo kalaa lagu dul hoorshaa
 
Kii daban ka kuu dhigay ayaad xumo u diidaye
Docda hore intuu kuu galaad danba basaysaane
Duli inaad u gacan taakateen wada la hubaye
Diiwaan madow baad gashoon cidi kadoodayne
Dunjise wada dhash-uun baa tihiin ulliyo diirkeede
Dabka baxaya duufaan kacay diririg taa taagan
Damiyoo dabool sara oo inaga duuduba
Dermo dhiga ducana raaciyo nabada doon dona
Odayaal dawayn iyo u dira culimo diineedka
Idinkoo dirays kiina xidhan labada daamoodba
Darka fura wanaga u degdega daalyey shacbkiiye.
 
Waxba yaanan nabarkii dednaa diririn qoloftisa
Waxii aan la doontaba waa iga darayaan
balaan soo dabaaloo ducada daayin ila tugno
Alahyow digtoor daacad oo dirac kaa tuugnay
Ku danyso mooyee allow dajiye kaa tuugnay
Alahyow wadani diiran dayiba kaa tuugnay
Allahayow daruraha daiyo roobku wada deeqo
Dayrtiyo gu’ga ba noo shuboo doogu wada beermo
Dahrigana mallow jiifsatee daadku naga maydho.