Poems

Tahriib

Da'da gabayga dabuubtiyo murtida, doodda hadalkayga;
Waxaan uga danleeyahay inaan, danaha sheegaaye
Dadweynow waxaan doonayaa, inan dadaalaaye
Dulmigan dhacaayaan rabaa, inaan dillaacshaaye
Tahriibtaa dadkeennii rogtaan, deyr ku xidhayaaye.
 
U dulqaadan kariwaayay oo, waan damqanayaaye
Jidhkaa iga dubaaxiya markaan, dib u jalleecaayo
Inta aan ilmada daadiyaan, dibinta ruugaaye.
 
Afrikaa dhib deris looga dhigay, daayin abidkoode
Soomaaliduna ka daran oo way, ugu dambeeysaaye
Qalbigaa intuu daxal ka galay, daamur wada yeeshey
Dareenkii waddanigaa lumoo, waa dad baabba'aye
Damiirkii waxaa garanayaan, digigixoonayne
 
Dabin laysu dhigay weeye oo, duul kalaa xidhaye
Diiwaanka waxaa noogu qoran, doorkii Falastiine
Ma daneeye aan diirran baa, dooxay shacabkiiye
Dillaal iyo mallaal baa midiba, dacalka haystaaye.
 
Haddii laga dareeroo dalkii, doonni laga raacay
Deebaaq qadhaadh iyo hadduu, dacar inoo yeeshey
Dullin iyo abaar iyo hadduu, diirato horseeddey
Daad laga ordaayiyo hadduu, degel madow yeeshey
Duufaan kacaysiyo haddii, duumo laga qaaday
Duqaydiyo carruurtii hadday, dibed u soo yaacday.
 
Dalka yaa u hadhi tolow markaa, waa dareen yimiye?
Waa xaajo duudduuban iyo, sheeko duluc dheere
Da'yartaa dhammaatiyo waxa, dumar idlaanaaya
Diricyada tahriibaaya ee, dabargo'aa taagan
Diihaalka gaajada kuwaa, dibed wareegaaya
Badahay dul-heehaabayaan, damalladeenniiye.
 
Diibkiyo yaxaaskaa cunoo, daaqay lafahooda
Dugaaggiyo waraabaa daldala, darib sideediiye
Duleedkaa la soo wada wadhiyo, dacalka xeebaaye
Iyagoo dubkiyo diirku baxay, baa la daawadaye
Waa kuwaa darxumo le'day een, duugan kari waynnay.
 
Damac baa dadkaygii galoo, waa dawamayaane
Dayow baynnu noqonnay iyo ways, dabammaryaynaaye
Dib-u-socod ayaan wada nihiyo, dawlad jaahil ahe
Dawarsiga ku naaxdaan nihiyo, doonis ruux kale
Diif aan dhammaanaynnin baa, loogu dawggalaye.
 
Afartaa intaan dabar ka furay, diirad ma ku eegey
Darajada Ilaah baa baxshee, mawga furay daaha,
Doorkaa abwaannadu horey, uga daliilsheene
Deelleeyda maansada horey, uga daqiiqsheene,
Aniguna ka dabaggeeyey oo, waan ku darayaaye
Waanadu kuway deeqdo ee, raacda danahooda
Iyo kuwa dariiqii wacnaa, diinta ku ekaada,
Daayinow Ilaahow ka yeel, dabargo' weeyaane!
 
Waxba gabaygu yuu ila durkine, waan dabrahayaaye;
Haddii dalagga aan beerannoo, doogga la abqaalo
Nimcadaa inoo dararaysan iyo, badaha duudduban
Buurahan Ilaah noo dejee, godol la soo daatay 
 
Baadroolka diliq laynayee, dixaya hoostooda
Macdantaa dingiigtiyo haddaan, dahab ka soo saarno
Duunyada haddaan dhaqannoo, doobi laga buuxsho
Duruusta iyo cilmiga lays baroo, diinta la adkeeyo
Dalku wayna wada deeqi laa, aynnu dib u joogno
Daaquudka aan naarno iyo, ducufka shayddaanka
Khayraadku waa dihinyahee, aan dibnaha saarno.
 
London, 2008