Poems

CAKU TV-ga!

Qabri lagugu tuuryaye jinkaad, qolo wadaagtaane
Qalad la igu siray oo ibleys, ii qarshaad tahaye
Qalab uu isagu keensaday oo, qaybsho yaad tahaye
Qabbaankiisa weyn iyo sarkaal, uu qortaad tahaye
Qudurrada sabaankiyo ibtilo, qooqan baad tahaye
Maan-qalato yaad tahay ka timid, qaarad naga dheere.
 
Qofkoo hebed ah yaad kala baxdaa, dhiig adaan qubine
Qobka madaxa saabaan qabow, yaad ku qodataaye
Dadku yaanay qoonsane sarmada, wow qunyareeysaaye
Qabatooyinkaagiyo xadhkaha, kama qaloodaane
Iyagaaba qoolkaad ku ridi, soo qalqaashada'e
Qariib baad ahayd shalay ku dagay, qoobad iyo laabe.
 
Imminkana qor saayid ah adaa, qaytay gurigiiye
Dadkaygii qaraabiyo xigtaba, wuu ku qaayibaye
Iga qaadday qoyskii dhammaa, aan la soo qaxaye,
Qorshe aad sameeysiyo markaad, qaabab ugu keento
Qisadaada waan yaabay siday, ugu qushuucaane.
 
Qacda iyo baftiyo weerarkiyo, qoomamka is-laayay
Baaruudda qaraxeeda iyo, qayladiyo wiida
Qaryadaha gubtee ololo iyo, qiiqa kor u duulay
Qalfoofkiyo alaabada qalliban, daaradaha qaawan
Qasnadaha la boobiyo haddeer, qaniga caydhoobay
Qandiyada la saariyo fardaha, qoobka roganaaya
Siigada u sii qayan cirkiyo, qawdhankiyo heesta,
Qorshe aad sameeysiyo markaad, qaabab ugu keento
Qisadaada waan yaabay siday, ugu qushuucaane.
 
Qorrax soo baxaysiyo dhulkoo, qurux leh oo doog ah
Webiyada qulqulayee ku dara, qooriyada xeebta
Kaymaha qummaati u baxee, qawlku ruxanaayo
Ubaxyada qadhqadhayee ku yaal, qadowga baashiisa
Ugaadh qaarba dhan u jeeda oo, kala qammaadaysa
Qamar iibinaysiyo dukaan, qaali lagu teedshey
Adduun qaayihiisiyo jacayl, laysu qiranaayo
Marka aad qiyaas ugu shushubi, qooshka malabaysan
Quraac iyo ayaamaha Jimcaha, qado ma doonaane,
Qorshe aad sameeysiyo markaad, qaabab ugu keento
Qisadaada waan yaabay siday, ugu qushuucaane.
 
Aniguna haddaan qawl hollado, waa qar soo dumaye
Oday qaxar ah baad iga dhigtiyo, jaahil qaraweyne,
Heshiis igu qasab ah keenso oo, qodobbo ii yeedhi!
 
Laas-caanood, 10.01.2005
 
Wuxuu arkay qooyskiisii oo ku ururay, daawashada TV-ga, oo qof waliba musalsal yeeshey, iyadoo sidaas waajibaad badani ku dayacmeen, wuxuuna yidhi isagoo la hadlaya shaashadda: