Poems

Sirta Nolosha

Saaxiibkayow heedhe
Safar baan ka imi dheere
Marka hore salaan diirrran
Marka xiga samow heedhe
Ha ka nixin si-dalagtayda
Sacab fara-madhnaantayda
Suugaanta yaabkeeda
Salka iyo fadhaa keena
Marka xiga sugnaanteeda
Socodkiyo falkaa sheega
Xeerkeedu waa saase.
 
Saaxiibkayow heedhe
Anba saaka qaybteeda
Sirsirraan ka joogaaye
Xadhiggiyo bal eeg suunka
Iyo sabarka gaadiidey
Iyo salabka ii qaaran
Iyo suudha guudkayga
 
Hilaygiyo waxaan saabka
U gilgiley Samaw haanta
Subag inay ku dhiiqdaaye
Saasay ku badisaaye
Sannad weliba xeeshiiye
Kol hadday silloonaato
Samaheedu waa dhiige
Sumuc talada loo dhiibye
Sida sida sidaas weeye
Si la yeeli jirey weeye
 
Marka xiga Samaw heedhe
Talo sibiq dhaqaaqeeda
Soof-daran habawgeeda
Sal-fudaydka hooggiisa
Bal sallaankan fuul laalan
Iyo sagabtan heensaysan
Dhulka saas u jeedaali
Sidan iyo sidaas fiiri
Sidan iyo gadaal dheeho
 
Raqda solan lafaa soogan
Bal su’aal u celi meydkan
Sababtuu u go’ay raadi
Bal dhegeyso saylaanka
Iyo salowga beer-qaadka
Iyo sebiga yeedhiisa
Waxaad aragtay oo saasa
Waxaad maqashayoo saasa
Maxaad odhan lahayd Suudi?
 
Samalaho furfuriddooda
Godka seer-ma weydaanka
Marka ay sabbuux gaadho
Si kalaan u dhigi taase
Saaxiibkay Waayaale
Suurtuu dhalaay heedhe
Heedhee Sahraay heedhe.
Waxaan adiga kuu saantay
Dadka kaaga soo soocay
Sahra kuugu yeedh-yeedhay
Siduu aabbahaa heedhe
Samo ii faraan heedhe
Kuu siinayaa heedhe
Sooyaalka taariikhdu
Iyadaan salguurayne
Murtidaan Sahraay heedhe
Sadar kuugu qorayaaye
Heedhee Sahraay heedhe
Curad suubbaneey heedhe
Summadii Rashiid yeelo
Iyo weynidii Saado
Iyo sawracii hooyo
Sinjigii hablaa geeska
 
Subaxdii indhaa kuulo
Tintu saqafta yay waayin
Iyo diibka loo saaro
Subko oo xayaabayso
Korka siigo yey taaban
Ku illaali saabuunta
 
Dharku siifad yuu yeelan
Suyac iyo bar gaasheysan
Ku ilaali saahoodka
 
Garashadu Sahraay ruuxa
Sed u gaara weeyaane
Hadduu saamigaas yeeshay
Qurux ma leh saluuggeedu
Dadku siigga dida maaha
Sogob iyo ri’weyn maaha
Sumal iyo laxdiis maaha
Rati iyo sabeen maaha
Falka iyo sugnaantiisa
Socodkiyo abbaaartiisa
Dhaqan sida xishoodkiisa
Dabar iyo silsilad haysa
Iyo suun ma dhaafaan ah
Wuxuu soofka xoolaaba
Kaga soocan yahay weeye
 
Waxan uga socdaa heedhe
Naftu seeto yey waayin
Hana falin sidaad doonto
 
Hadalkana sar weedhiisa
Una saaf qofkii waaya
Ha ka tegin sarbeebtiisa
Hana gelin sursuur oodan
Hana lumin sargoyntiisa
Hana liqin sangaabtiisa
Ha ku saxan badheedhkiisa
Runta sogordoh haw yeelin
Ha suldaarin dooddiisa
Sisibaa wadaaggiisa
Sababee abbaartaada
Hana badin su’aashiisa
Sarrifkiyo tilmaantiisa
Saddex erey halkii dooni
Soddon yaanay kaa qaadan
Siddi-qabaxi yay raacin
Sare haw dhig-dhigin luuqda
Gacantana ha saydh-saydhin
Hana odhan wax sawliila
 
Heedhee Sahraay heedhe
Sarta hilibka dheehaaga
Samaydaada dhererkaaga
Sarajooga muuqaaga
Sanqaroorka jaahaaga
Dahab iyo xariir saran
Uma baahna saantaadu
Hadda silis ha xidhan maaha
Luquntana ha sudhin mahaa
Waxan uga socdaa heedhe
Marka aad sunuud hayso
Waxa suuq mug-weyn yaalla
Ha la simin kitaab weeye
 
Hurdo iyo Sahraay jiifka
Marka hore sariir raadi
Salli iyo furaash dayday
Saddexdaba hadaad weydo
Lama seexan kari waayo
Hadda saantu qodox maaha
Suugaantu gogol weeye.
 
Ninku qaday Sahraay tiisa
Hadduu seed liqliqiddeeda
Ku saruurad goyn waayo
Subag iyo baruur doono
Sidu jecelyahaa been ah
 
Dhadhan iyo sibraar kayda
Sidig caanaheedaa leh
Badar iy sarreen shiidan
Iyo sixin ku iidaaman
Wax la cuno sabiib baa ah
Nin samaystay baa faan leh
Waxaad haysataa saasa ah
Ka sokow intaan sheegay
Hadda soortu dacar maaha
 
Dharku Saadhi qudha maaha
Saylooni garan maaha
Iyo sabarandaa giiran
Mana aha surwaal biid ah
Haddaan saarku kuu diidin
Saddex-qaydu ceeb maaha.
 
Heedhee Sahraay heedhe
Sar daruuran oo maasa
Mar Abu Sarmaantiiya
Dhacle baarka loo seesay
Boqor wada xiyaakhaysan
Sildiyaal jiljila dhiibsan
Tusbax dhawr sagaal laaba
Iyo qool sunaar dheehan
Subeciyad xiddiyo laaf leh
Adigoo siddeeddaas hal
Iyo timaha oo soohan
Ku darsaday sifaa guudka
Garashiyo sarriig sheegtay
Ma qofkaa sitaa jooga.
 
Hadda salamadhlow gaabi
Ha ku jabin saqlaa waalan
Sallow ololka hoy jooji
Ha saloolan xayndaabka
Ha ku bixin saloognaanta
Ha sarriiran waayeelka
Sakatiga ka daa beesha
Saha iyo af kala qaadka
Ha ka nixin hiddaa suubban.
 
Gabdhayahow sidee waaye
Ilbaxnimadu saas maaha
Hadba suf karkaro maaha
Sararaha bannee maaha
Qorqor suunniyaa maaha
Dhabanada sibbaaq maaha
Sanka oo la mudo maaha
Sakhrad iyo xashiish maaha
Sawir iyo riyaaq maaha
Filin iyo sarcaad maaha
Saxan reer galbeed maaha
Kabo sookal dheer maaha
Suuriyo durduro maaha
Salsalaw cid kale maaha
Qof silloon ku dayo maaha
Wax sawaaban noqo maaha
Sinta iyo lafaa duudka
Saddex goor jejebi maaha
Dhaqankaaga saydh maaha
Soomaali diid maaha
Sidaad doonto yeel maaha
Dhulka oon ku sidi waayin
Samadoo la koro maaha
 
Xilliyada wax saareenka
Iyo saacadaa reebban
Sabbadiyo rugtay joogtey
Gabadh timi ma saalloona
Ku salliya Rasuulkiina (C.S.W)
Salka dhiga guryaa seexda.
 
Sunsun falan siddaha feyda
Sati fudud salaan sheegan
Indha suhub af geed saarrey
Hadba surin ka sheekeeya
Sidan iyo sibaas yeela
Ereyada saluuuggoo dhan
Kuma lihid Sahraay meella.
 
Sunbo iyo maraadaa leh
Inta sibiq dhaqaaqdaa leh
Sagan daaqa jiitaa leh
Inta marinka seegtaa leh
Waxba aan sugeyn baa leh
Inta sharafta saydhaa leh
Suuraafta maqan baa leh
Xadhig lama sitaan baa leh
Saca Faarsa nacay baa leh
Barni sumal xadkeedaa leh
 
Heedhe Sahraay heedhe
Suugaantu iib maaha
Erey iyo sunnee maaha
Hugun iyo sitaad maaha
Siddi iyo I daya maaha
Sadho iyo xajiin maaha
Laba saaq ku gado maaha
Waxan seylad gelin weeye
Sahdi iyo dareen weeye
Bulsho saaasaheed weeye
Samaheeda mudan weeye
Sawdkeeda diga weeye
Sacabkeeda kulul weeeye
Marna baadi sooc weeye
Sahan iyo tilmaan weeye
Dhaxal soo jireen weeye
Wax ku saabsan meel weeye
So’da iyo ka guro dhuuxa.
 
Heedhee Sahraay heedhe
Sirta noloshu xoog maaha
Dhagar iyo suryee mahaa
Surma seegto dedan maaha
Sibqi iyo hunguri maaha
Sacab iyo ka leef maaha
Sukhrad iyo fal xumo maaha
Hadba seeb u rogo maaha
Salfo iyo ku faan maaha
Damac iyo sandaho maaha
Derejiyo saldano maaha
Saro io dhalaal maaha
Sidan iyo sidaas maaha
Hadda sadadu lacag maaha
 
Heedhee Sahraay heedhe
Bulsho saami loo tuurtay
Shan siyood wax loo yeelay
Samir inay xigtaan maaha
Surka inay dhigtaan maaha
Sas inay didaan maaha
Inay suudalaan maaha
Sardho inay galaan maaha
Sixir inay dirtaan maaha
Inay kala saftaan maaha
Nin I sugayayow heedhe
Anigoo ku sugey heedhe
Maxaad ii sugtaa heedhe?
 
Heedhee Sahraay heedhe
Marka haaddu socod deyso
Dhirta sare tukuu fuulo
Gorayadu sanqadha reebto
Adna soonka xidho maaha
Mugdi talada sii maaha
Berri iyo siday doonto
Sug cadceedda maqan maaha
Saqda dhexe habeen soocan
Gudcur simay adduunkeenna
Wax siraata noqo weeye
 
Heedhee Sahraay heedhe
Saran seerka jiilaalka
Surbacaadka jaahweynta
Sumal-haadka roob waaga
Iyo solanka daaduunka
Cirka oo sabaad guurey
Dhulka oo huwadey siigo
Iyo dogobbo soogsoogan
Marka beladu sooyaanto
Saadaashu beenowdo
Saca nuguli kaa leexdo
Adna sebenka raac maaha
 
Inan sabadu duugoobin
Sayax iyo ugbaad waayin
Sudda iyo degaankaagu
Surmi iyo harraad leeyan
Ama saacu guur-guurin
Sohda ceelku dheeraannin
Adaa yeeli kara saasba.
 
Heedhee Sahraay heedhe
Saxariirka aafaadka
Saxallada kal-meerkooda
Sambabkuba col weeyaane
Marka saymo loo iisho
Ama soofku jaan qaado
Ushu way sabooshaaye
Ha ku dagan sidsidadkeeda
Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara ku hayntiisa
Weligaa ha sii deynin.
Sisin iyo ku beer muufo
Iyo laanta saytuunka
Ku qotomi sungaan waarta
Iyo nabadda seeskeeda
Samo iyo ku doon heedhe
Dunidiyo sinnaanteeda
Ku dawee sawaaceenka
Iyo siica daacuunka
Ku burburi sarbaa mooska
Iyo soohdimaa meersan
Ku midee samuud raaca
Midabada la sooc soocay
Dadkan tobanka saamood leh
 
Weligaa ha tumin seefo
Iyo sabaradaha mowdka
Dar samaysan baa yaalla
Sancayahan gaboobaa leh
Sahankaynu diranaa leh
Nin sokeeyeheenaa leh
Ninka sida xilkeennaa leh
Ka sarjara heddeennaa leh
Salab ciiddu hayn weydey
Ninka sudhay xiddigahaa leh
Nin sabuul la aayaysto
Dhulka siib ku ridin baa leh
Nin Sahraay adduunkeenna
Sacad gubi karaa haysta
Ninka sigay kun jeer baa leh
Waxa nolosha saameeya
Sako nimaan ka bixin baa leh
Nafta saawa-saawaysan
Santi nimaan ku furan baa leh
 
Nin aqoonta soorkeeda
Sida kale u rogey baa leh
Ninka sulubka maadhiinka
Ugu roon saboolkaa leh
Nin samaa ku adag baa leh
Sannadkaynu caydhowney
Kaynu suus ka weynaa leh
Naftu waa sir xeel dheere
Nimaan suubin Karin baa leh
Wedka qudha sameeyaa leh
 
Sulda iyo xanuunkeeda
Shalay iyo sadaaddeeda
Iyo saawihii hoogga
Naxdintii badh baa suuxsan
Selelkii badh baa waashay
Dad sawaaban baa buuxa
Dumar waayey saygooda
Hengashii sidaa muuqda
Ololkii badh baan seexan
Sarihii dumaa jiifa
Qabrigii sinmaa jeexan
Waxa saaka joogow ah
Surrad baa I guud taalla
Salabkii horaa tuuran
Samadiyo dhulkaa buuxa
Baddu waa sakalo miidhan
Qalab suruc leh baa laalan
Sanqadhuhu hub kacay weeye
Sabarkii dadkaa baahan
Saantii dadkaa qaawan
Weli talo ma saalloona
Waxa soo socdaa yaab leh
Wershed suufiyaa daaran
Waxay soo siddaa geeri
Midhaheedu waa saymo
Belo aan fan seeraarka
Saxar loo mar-maran weeye
Waxan ahay qof cayn saaban
Deldelaad u sudhan jeebka!
 
Allow yaa wax suureeya
Salka dunida yaa dhawra
Iyo seeska jiriddeeda
Wacanaa sansaankeedu
Badanaa sudaaddeedu
Saxanaa hannaankeedu
Allow yaan sugnaanteeda
Saymiyo u rogin duullan
Subax noolba dhiig daata
Xadhig iyo silsilad shiilan
Allow yaan sinnaanteeda
Ku beddelin saraar oodan
Iyo seere wiil qaytey
Dadka saran guudkeeda
Yaan ka dhigin sabool qaawan
Iyo soobir caydh jooga
Erey sami wuxuu gooyo
Allow yaan ku jarin soodhka
Garashada ka dhigan seefo.
 
Allow yaa su’aashaasi
Sida ay u tahay yeela.
 
Heedhee Sahraay heedhe
Dhulka iyo wixii saran
Sare iyo wixii laalan
Inta sudan intii seemman
Waxa jira sir iyo caadba
Rabbi qudha sax weedhiisa
Sida uu ku yidhi buuxi
Waxa hadhay salka iyo baarka
Inta sool qarsoon joogta
Inta seel xidhxidhan jiifta
Inta saydha waabayda
Maroodiga siddaa dheer leh
Wiyil iyo sahboodkeeda
Inta laga subxaanaysto
Kolay tahay libaax sayn leh
Marka aad Sahraay meel fog
Uga suul-dhabaaleyso
Deg-deg inay sujuuddaada
Suxullada dhigtaan weeye!
Sidashada awooddaasi
Sahal io wax fudud maaha
Qofba waa si garadkiisa.
 
Heedhee Sahraay heedhe
Badda iyo sulaaqeeda
Iyo buurta saysaaban
Onkodkiyo sawaxankiisa
Salowgiyo jibaadkiisa
Danabkiyo salsalihiisa
Sarka dhabanka duufaanka
Ha ka didin sawaxankooda
Duni kuu sakhiran weeye
Sayid baad u tahay caana
Suubaali oo layli
Ku sasabo aqoontaada
Senge iyo ka dhigo doonni
Sallo iyo ka dhigo oori
Gabadh weeye caad saran
Badi saayiraadeeda
Iyo laab salaaxeeda
Guro saadka guudkeeda
Iyo sahayda uurkeeda
Kordhi noole soorkeeda
Iyo baahi saarkeeda
Hubi nabad sugnaanteeda
Iyo sabo negaanteeda
Ha ku deyin xannun saaqa
Ha ku badin saqaaf ciiddan
Suluf iyo colaad waarta
Ha ku saaxin naabaalka
Iyo sulubka baaruudda
Ha ku didin sabbeeyaanka
Sabareynka boodbooda
Iyo sukhula naareedka
Ha la dhicin sawaariikhda
Iyo saanadaa miiggan
Ha sumayn macaankeeda
 
Salabaha ha marin doogga
Ha burburin sansaankeeda
Quruxdiyo sureerkeeda
Ha sadhayn hagoogteeda
Sagalkiyo daruurteeda
Ha sukuumin uunkeeda
Saryankiyo ugaadheeda
Ha furfurin sin-dadabkeeda
Ha ka rogin dul saarkeeda
Udubbada ha siibsiibin
Ha afuufin suurkeeda
Subax qudha ha duuduubin
Sakaraadka taaheeda
Uga xilo samaanteeda
Sacabkiyo mashxaraddeeda
Garashadu mid soofaysa
Ha ka dhign sadqaynteeda
Ha ku solo wanaaggeedu
Ku sin inan-dumaalkeeda
Kuwa saadanbee laalan.
 
Heedhee Sahraay heedhe
Seben tegey xusuustiisa
Raad raaca Siinleyda
Socod barashadii doodad
Saxarliyo abbaarteeda
Anigaan wax saaraynin
Sannad iyo garaadkiisa
Saadaashu been weeye
Waxba samir ma liileeyo
Ha sarwicin qof kaa jeeda
Hana sugin nin kaa maarmay
Hana sigan mar mooyaane.
 
Nin ku siray ha faallaynin
Sababana ha weydiinnin
Ha u seeta dheeraynin
Hana sidin culayskiisa
Siriq iyo ku qabo baydo
Hana falin siduu yeelay.
 
Nin ku yidhi anaa saasa
Ha ku odhan sidaas weeye
Sida uu ku yidhi heedhe
Haddii ay siniin weydo
Ama sarin sanaan weydo
Waxa furan sidaas maaha
 
Qof saluugey maankiisa
Ama suufay muuqiisa
Ka sal kacay xaqiiqdiisa
Qabku saami ladha maaha
 
Nin sitaba bar baa saran
Ninka sii sitaa jooga
Raggannimada sooceeda
Adigoo sagaal buuxshey
Hal ku seegay baa yaalla.
 
Sogotiga qof tegayaa leh
Si hadday u dhici weydo
Si kalaa u waan waan ah
Dunidaa sidaas yeesha.
Sooryana qof yimi baa leh
Si hadday u noqo weydo
Si kalaa u waaceen ah
Dad horaa sidaad yeelay.
 
Nin salaad u kacay oogan
Sahwi galay xalaaleeye
Adna sahankan beel loogan
Ha ka dhigin socdaal baada
 
In halkii sal hayn waayo
Laga saba rogtaa doora
In su’aal jawaabteeda leh
Lala sara kacaa fiican
 
Nin ku yidhi sinnaan mayno
Adna buri sarrayntiisa
Sidka waa wadaagtaane
Ma sagaashan baa tiisu.
 
Selelkaba hurdaa keenta
Haba seexan goor baas leh
Han sareedo loo waayey
In saraayo loo daayo
Sida aan u idhi weeye
Bela saacaddeed joogta
Sabti nabada haw riixin
 
Subax dhalatay caadkeeda
Ha ka bogan wax saarkeeda
Adiguba samee maanta
Berritona sargoo heedhe
Noloshaba inaad saafto
Qaabayso saabkeeda
Waxaan suura gelin maaha
 
Garashiyo sugnaan hoyso
Falka sami ha kuu raaco
Mana jiro sed kaa baaqday
Ilbaxnimadu saas weeye
Sirta noloshu taas weeye.