Poems

Qun Yar Soo Soco

Qaydar hawroow
Qayood foore leh
Ka qadhqadhiyoow
Manka qudhacaw
 
Amba qayrkay
Kaan ka qaatee
Qaayibaad tee
 
Qudhu kii ay raacdoow
Waad qaboobiye
Qunyar soo soco
 
Qod madheedhoo
Midho qurux badan
Quluu bixiyiyo
Qawl udgooneey
 
Qiiq ka baxa iyo
Qoon wadnaha jira
I qaboojaay
 
Qiimo tii lahaydeey
Waad qaboobiye
Qunyar soo soco
 
Xareed qubanoo
Qoorta meesha ah
Qulqulaysiyo
Qormo rayslow
 
Qumbe subag oon
Qayb u helay iyo
Qayrab kacayaay
 
Qudhu tii ay raacdow
Waad qaboobiye
Qunyar soo soco
 
Qaanso roob oo
Qaydad midabbo leh
Ku qoonfalantiyo
Mayay qaadaay
 
Qadow doogloo
Qaal u daaqdiyo
Qayr u degeleey
 
Qiimo tii lahaydeey
Waad qaboobiye
Qunyar soo soco